QODOBADA HESHIISKA ADEEGGA MYSMS

1.   Macmiilku isaga ayaa ka masuul ah fariimaha uu cid kale u diro ee keeni kara sumcad daro, aflagaado, ceebayn, sababi kara xad-gudub shuruucda Islaamka iyo tan dalka ama ku tumasho xuquuqda dadka kale sida magac dil, qoraalo anshaxa suuban khilaafsan, been, marin habaabin iyo khiyaamo, qabyaalad, hayb-sooc iwm.

2.   HormuudXaq bay u leedahay inay kaa joojiso adeeggan hadii macmiilku uu sameeyo wax ka mid ah qodobka 1 aad.

3.   Fariimaha looma diri karo qof codsaday in laga saaro liiska fariimaha.

4.   Lama baahin karo farriin kasta oo ka hor-imanaysa siyaasadda shirkadda Hormuud, sida in lagu xayaysiiyo tartamayaasha shirkadda, iwm.

5.   Haddii adeeggan macmiilka la siiyay uu iibiyo ama cid kale inay isticmaasho uu u ogolaado, shirkadda Hormuud xaq bay u leedahay in ay ka joojiso.

6.   Qiimaha Halkii  SMS waa laba senti ($0.02).

7.   Halkii fariin qoraal waa boqol iyo lixdan xaraf (160 Xaraf).

8.   Tirada fariimahala dirsan karo halki mar waa 5 ilaa 13, 333 fariimood.

9.        Si heshiiskan uu u dhaqan galo waxaa lagaaga baahanyahay:

·      Warqad codsi ah (application letter)

·       sawirka baasaboorka, kaarka dhalashada iwm.

10.        Labada dhinacwaxay xaq u leeyihiin joojinta adeegga ka dib wargalin muddo bil ka hor ah.

Heshiiska wuxuu dhaqan galaya marka labada dhinac isla wada saxiixaan wuxuuna socon doona mudo sanad ah.

 


© Hormuud Telecom 2019